Hargeisa 19-01-2026: Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa maanta Shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha Xarunta Dhexe ee Hay’adda, kuwaas oo si guul leh u dhammeystay tababar Xirfadeed oo ku saabsan Maamulka ku Salaysan Natiijooyin, Result Based Management(RBM), Dabagalka iyo Qiimeynta (M&E), iyo Diyaarinta Warbixinnada.(Reporting)
Tababarkan ayaa waxa bixinayey TOT ka mid ah shaqaaaha Hay’adda Caymiska Qaranka oo ay soo Tababartay Machadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, isla markaana siyey Shaqaalaha hay’adda Caymiska Qaranka, iyagoo uga faa’iideyey Aqoontii ay soo barteen.
Ujeeddada Tababarka ayaa ahayd in la horumariyo hufnaanta shaqo, isla-xisaabtanka, iyo waxqabadka guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka.
Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey dadaalka iyo ka-qaybgalka shaqaalaha tababarka soo qaatay isla markaana dib ugu faa’ideeyey Shaqaalaha kale ee Hay’adda, isagoo tilmaamay in horumarinta awoodda shaqaalaha ay laf-dhabar u tahay hirgelinta himilooyinka iyo waajibaadka Hay’adda Caymiska Qaranka.
Ugu dambayn, Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa adkeeyey in Maamul ahaan si joogto ah u sii wadi doonan tababarrada iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, si loo helo shaqaale xirfad leh oo awood u leh gudashada waajibaadka qaranka ee hay’addu u xilsaaran tahay.











