Hargeisa june -22 -2025

Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (HCQ) waxay si rasmi ah u qabatay munaasibad ballaadhan ee  xil-wareejinta masuuliyiintii hore ee Hay’adda iyo masuuliyiinta cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane :Dr . Abdirahman Mohamed Abdilaahi (Cirro)  u soo magacaabay Hay’adda Caymiska Qaranka.

Munaasibaddan xil-wareejinta ah ayaa qabsoontay  waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, madax hay’adeed, marti sharaf kale, iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Caymiska Qaranka.

Intii ay socotay munaasibadda, waxaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka ula wareegay Guddoomiyaha cusub Mudane Axmed Xirsi Ducaale, halka uu xilka ka wareejiyey Guddoomiyihii hore Mudane Guuleed Muuse Galaal.

Sidoo kale, xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka waxaa la wareegay Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, halka uu xilka ka wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenkii hore Mudane Maxamed Xuseen Cabdi.

Dhanka maamulka fulinta Hay’adda, waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka la wareegay Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, halka uu xilka ka wareejiyey Agaasimihii hore Mudane Cabdiraxmaan Muuse Cabdi.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ku qabsoontay jaw i deggan, is-ixtiraam leh, iyo hufnaan sare, taas oo muujinaysa adkaynta nidaamka dowladnimo, isla-xisaabtanka hay’adeed, iyo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta hay’adaha Qaranka.

Hay’adda Caymiska Qaranka JSL waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan masuuliyiintii xilalka wareejiyey doorkii iyo dadaalkii ay ku bixiyeen horumarinta Hay’adda muddadii ay xilalka hayeen, iyada oo sidoo kalena u rajaynaysa masuuliyiinta cusub guul, hufnaan, iyo horumar ay ku gaadhsiiyaan Hay’adda yoolkeeda qaran iyo waajibaadkeeda u adeegidda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.