Hargeysa, Khamiis- 03- July – 2025
Waxaa maanta Xarunta Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ka qabsoomay shir muhiim ah oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Mudane Axmed Xirsi Ducaale, isaga oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka HCQ Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee HCQ Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Shirkadaha Caymiska, Dilaaliinta (Brokers) iyo Wakiillada, ayaa ujeeddadiisu ahayd soo-dhawaynta Maamulka Cusub ee Hay’adda, is-barasho guud, iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Shirkadaha Caymiska.
Intii uu socday shirka, waxaa laga wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xidhiidha horumarinta iyo kobcinta Suuqa Caymiska, ku dhaqanka waajibaadka sharciga, xallinta caqabadaha jira, iyo dardargelinta wacyi-gelinta bulshada ee Caymiska.
Masuuliyiinta sare ee Hay’adda Caymiska Qaranka waxay caddeeyeen in Hay’addu ay si buuxda u fulin doonto waajibaadka sharcigu farayo, isla markaana dhawaan la hirgelin doono dhammaan adeegyada caymiska, oo ay ka mid tahay bilowga Caymiska Gaadiidka sida uu dhigayo Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka.













