Hargeysa – Salaasa, 02 Sebtembar, 2025


Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda, Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, kaddib markii ay hortageen Golaha Wakiillada.

Ansixintan ayaa xaqiijisay hoggaanka rasmiga ah ee Hay’adda Caymiska Qaranka, taas oo muhiim u ah sii xoojinta doorka hay’addu ku leedahay nidaaminta, kormeerka, iyo horumarinta Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa uga mahadceliyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland kalsoonida iyo ansixinta ay siiyeen, iyagoo ballan qaaday in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh uga shaqayn doonaan horumarinta nidaamka Caymiska Qaranka, kobcinta adeegyada caymiska, iyo xoojinta waajibaadka qaran ee Hay’addu u hayso bulshada.

Ansixinta hoggaanka Hay’adda Caymiska Qaranka JSL ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dardar-gelinayo dhismaha nidaam Caymis Qaran oo casri ah, kaas oo bulshada iyo dawladaba u horseedi doona adeegyo la isku hallayn karo, isla markaana gacan ka geysan doona kobaca dhaqaalaha dalka.