Hargeisa August -30- 2025
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska jsl.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in maalgashadayaasha loo soo bandhigo fursadaha ganacsi ee ka jira dalka, iyadoo diiradda la saaray qaybaha mudnaanta leh ee maalgashiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalxiiska, warshadaha, tamarta, iyo beeraha.
Intii kulanku socday, masuuliyiintu waxay si qoto dheer uga hadleen ka go’naanshaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ah in ay soo dhawayso maalgashadayaasha, isla markaana la abuuro jaw i ganacsi oo hufan, ammaan ah, una sahlaya iskaashi ganacsi oo midho-dhal ah, gudaha iyo dibaddaba.
Kulankan ayaa muhiim u ahaa xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dawladda iyo kor-u-qaadista doorka Hay’adda Caymiska Qaranka ee taageeridda koboca maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.








