Hargeysa, Khamiis 14-ka August, 2025 –
Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (HCQ) ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan hawleed muhiim ah oo diiradda lagu saaray dib-u-habeynta qaab-dhismeedka, shaqada iyo shaqaalaha Hay’adda, iyo mideynta shaqooyinka caymiska ee dhammaan gobollada dalka.
Kulankan ayaa ay ka soo qayb galeen dhammaan shaqaalaha HCQ ee ka kala socday xarunta dhexe iyo Shaqaalaha gobollada, waxaana si rasmi ah u furay Guddoomiyaha HCQ Mudane Axmed Xirsi Ducaale, isaga oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka HCQ Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee HCQ Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd falanqaynta geeddi-socodka dib-u-habeynta hay’adda Caymiska Qaranka , kor-u-qaadista hufnaanta shaqo, iyo isku-xidhka hawlaha xarunta dhexe iyo gobollada. Agaasimaha Guud ee HCQ ayaa soo bandhigay qorshaha istiraatiijiga ah ee dib-u-habeynta, halka isu-duweyaasha gobolladuna ay soo gudbiyeen warbixino ku saabsan xaaladda shaqo ee gobolladooda.
Sidoo kale, kulanka waxaa qayb ka ahaa tababar xirfadeed oo lagu xoojiyey aqoonta shaqaalaha, kuna saabsanaa kormeerka shirkadaha caymiska, liisan-bixinta, siyaasadaha iyo xeerarka caymiska, xeerarka shaqaalaha dawladda, iyo maamulka maaliyadda.
Ugu dambeyntii, shaqaalaha gobollada ayaa lagu guddoonsiiyey shahaadooyin, taas oo qayb ka ah dhiirrigelinta iyo horumarinta awoodda shaqaalaha Hay’adda Caymiska Qaranka.















