Hargeisa, 11– 18 Sept-2025
Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (HCQ) ayaa kormeer shaqo ku samaysay qaar ka mid ah shirkadaha caymiska ee ka hawlgala dalka, kormeerkaas oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka , Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, isla markaana ay wehelinayeen qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxaha Hay’adda Caymiska Qaranka.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd dardargelinta hawlaha shaqo ee shirkadaha caymisku u hayaan muwaadiniinta, iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Hay’adda Caymiska Qaranka iyo shirkadaha bixiya adeegyadda caymiska.
Intii uu kormeerku socday, masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranku waxay shirkadaha ka weydiiyeen su’aalo la xidhiidha adeegyada ay bulshada siiyaan, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray tayada adeegga, ilaalinta xuquuqda macaamiisha, iyo ku dhaqanka shuruucda caymiska.
Kormeerkan waxaa si dhow uga qayb qaatay Waaxda Kor- joogtaynta iyo Ilaalinta Hab-dhaqanka Suuqa, iyo Waaxda Diiwaangelinta Liisamada iyo Horumarinta Caymiska Islaamiga ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata nidaaminta iyo horumarinta suuqa caymiska qaranka.











