Hargeysa – Isniin, 01 Sebtembar, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (HCQ), Mudane Axmed Xirsi Ducaale, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda, Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, ayaa hortagay Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddida, Mudane Xuseen Ismaaciil Yuusuf, isla markaana ay ka qayb-galeen xubnaha guddida, ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeyn iyo hubin lagu sameeyo xilka, waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee loo igmaday Masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranka JSL .
Intii uu kulanku socday, xubnaha guddidu waxay masuuliyiinta Hay’adda weydiiyeen su’aalo la xidhiidha hawlaha Shaqo ee hay’adda, qorshayaasha dhow iyo istaraatiijiyadda mustaqbalka. Masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa si cad, hufan, una faahfaahsan uga jawaabay su’aalaha, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen iyo himilooyinka horumarineed ee horyaalla.
Gabagabadii, Guddida Dhaqaalaha ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonaan wada-shaqayn joogto ah oo ay la yeeshaan Hay’adda Caymiska Qaranka, si loo hubiyo in hantida qaranka loo maamulo si masuuliyad leh, hufnaan leh, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.







