Hargeysa, 27 Sebtembar 2025
Xarunta Dhexe ee Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Hay’adda Caymiska Qaranka iyo Shirkadaha Caymiska, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo fulinta waajibaadka xeerarka caymiska iyo u hoggaansanaanta nidaamka sharci.
Kulankan waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha HCQ, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee HCQ, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxaha Hay’adda, iyo masuuliyiin ka socday Shirkadaha Caymiska ee ka hawlgala dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo ku dhaqanka xeerarka caymiska, lana hubiyo in adeegyada caymiska ee dalka laga helo ay noqdaan kuwo hufan, la isku hallayn karo, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.
Masuuliyiinta shirkadaha caymiska ee ka qayb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey kulanka, iyagoo caddeeyey ka go’naanshahooda u hoggaansanaanta xeerarka caymiska, isla markaana soo jeediyey talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hirgelinta caymiska iyo kobcinta kalsoonida bulshada.
Dhankooda, masuuliyiinta HCQ ayaa ka warbixiyey muhiimadda xoojinta awoodda hay’adda, hufnaanta maamulka, iyo in wada-shaqayn dhow oo u dhexeysa hay’adda iyo shirkadaha caymiska ay horseedi doonto horumar muuqda oo ku yimaadda nidaamka caymiska qaranka.
Ugu dambayn, Hay’adda Caymiska Qaranka JSL waxay ku baaqday in fulinta waajibaadka xeerarka caymiska ay noqoto masuuliyad wadajir ah, si loo xaqiijiyo hufnaan, kalsooni, iyo horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan bulshada iyo dalka.










