Hargeysa, Nov-05-2025
Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb gashay Shirwaynaha Maalgashiga Somaliland, iyadoo si cad u muujisay horumarka dalka ka socda ee dhanka dhismaha nidaamka caymiska qaranka.
Intii uu shirku socday, Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa carrabka ku adkaysay in nidaamka caymisku yahay tiir muhiim u ah koboca dhaqaalaha, maadaama uu yareeyo halista maalgashiga, kordhiyo kalsoonida ganacsiga, isla markaana taageero maalgeshiga gudaha iyo kan dibadda. Waxa kale oo la xusay in caymisku door weyn ka qaato ka hortagga khasaaraha waaweyn ee soo gaadhi kara hantida iyo mashaariicda maalgashiga.
Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha, oo ay ka mid yihiin xukuumadda, ganacsatada, hay’adaha maaliyadda, shirkadaha caymiska, iyo maal-gashadayaasha caalamiga ah, in ay si wadajir ah u xoojiyaan nidaamka caymiska qaranka, maadaama uu yahay furaha lagu sugo badbaadada hantida, lagu abuuro fursado shaqo, isla markaana lagu dardargeliyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Ka-qaybgalka Hay’adda Caymiska Qaranka ee shirkan ayaa muujinaya ka go’naanshaha hay’adda ee ah inay door muuqda ka qaadato taageeridda istaraatiijiyadda horumarinta maalgashiga iyo dhismaha nidaam caymis oo casri ah, hufan, isla markaana la isku hallayn karo.









