Hargeysa, 28 Sept-2025
Kullankii ugu horreeyey ee Guddiga cusub ee Hoggaaminta Siyaasadda ( BoD) ee Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana kulanka si rasmi ah loogu soo bandhigay Qorshaha Shaqo ee Hay’adda Caymiska Qaranka.
Shirka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Hoggaaminta Siyaasadda Caymiska, ahna Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, waxaana si buuxda uga soo qayb galay dhammaan xubnaha Guddiga.
Intii kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyey waajibaadka saaran Guddiga, kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta nidaamka caymiska qaranka, Qorshaha Shaqo ee Hay’adda, gaar ahaan bilaabista adeegyada caymiska iyo hirgelinta xeerarka la xidhiidha, iyo sidoo kale caqabadaha jira iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu wajihi karo si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha caymiska qaranka.
Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Guddigu door muuqda ka qaato dhismaha iyo horumarinta nidaamka caymiska dalka, si bulshada looga yareeyo culaysyada dhaqaale ee ka dhasha caymis la’aanta.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdi Naasir Axmed Xirsi, ayaa bogaadiyey waxqabadka maamulka Hay’adda Caymiska Qaranka muddadii ay xilka hayeen, isaga oo xusay muhiimadda isku-xidhka iyo ka faa’iidaysiga khibradaha waddamada jaarka, si loo horumariyo qaybta caymiska aqoon iyo dhaqaale ahaanba.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, oo hore uga tirsanaa Guddigii hore, ayaa kulanka la wadaagay waayo-aragnimadii Board-kii hore, isaga oo dhiirrigeliyey in shaqada wanaagsan ee la bilaabay halkaas laga sii ambaqaado.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa u mahadceliyey xubnaha Guddiga, isaga oo ka hadlay hawlaha horyaalla Guddiga, kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay hirgelinta nidaamka Caymiska Qaranka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dood iyo talooyin muhiim ah oo ay jeediyeen xubnaha kale ee Guddiga.
Kullankan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama uu yahay kii ugu horreeyey ee rasmiga ah ee Guddiga cusub, isla markaana lagu daah-furay Qorshaha muddada dhow ee Hay’adda, kaas oo saldhig u noqon doona Qorshe-hawleedka sannadka 2026, si loo horumariyo adeegyada caymiska dalka.












