Hargeysa, 07 Oct- 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa  ka qayb galay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen daneeyayaasha Mashruuca Horumarinta Marin-Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor), kaas oo ka qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Hoggaaminta Siyaasadda ee Hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa lagaga wada hadlay heerka horumarka mashruuca, caqabadaha jira, iyo fursadaha dhaqaale ee uu u leeyahay dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa kulanka ka jeediyey war-bixin ku saabsan muhiimadda caymisku u leeyahay ganacsiga dalka, gaar ahaan horumarinta iyo adeegsiga Dekedda Berbera, marin-ganacsiyeedka Berbera, gaadiidka isaga goosha Berbera iyo dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, iyo guud ahaan Mashruuca Berbera Corridor. Waxa uu sidoo kale caddeeyey ka go’naanshaha Hay’adda ee ah in ay si buuxda uga qayb qaadato taageeridda mashruuca, iyada oo kor u qaadaysa nidaamka caymiska qaranka.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Somaliland, iyo Hay’adda FCDO (Foreign, Commonwealth & Development Office), kuwaas oo door weyn ku leh hirgelinta mashruuca.

Hay’adda Caymiska Qaranka JSL waxay sii wadi doontaa ka-qaybgalka qorsheyaasha horumarineed ee qaranka, iyadoo diiradda saaraysa dhismaha nidaam caymis oo casri ah, hufan, wax-ku-ool ah, isla markaana kor u qaada koboca dhaqaale ee dalka.