Hargeisa, Nov-26-2025
Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa maanta ka qayb-galay Shirweynaha 3-aad ee Guddiyada Shareecada ee Baananka iyo Hay’adaha Maaliyadeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nidaamka maaliyadeed ee ku dhisan Shareecada Islaamka.
Guddoomiyaha HCQ ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirweynaha, isagoo adkeeyey in nidaamka caymiska Somaliland uu yahay mid ku dhisan Shareecada Islaamka (Takaful), isla markaana xeerarka dalka si cad u mamnuucayaan caymiska caadiga ah (Conventional Insurance). Waxa uu xusay in Hay’adda Caymiska Qaranku ay masuul ka tahay hubinta in dhammaan shirkadaha caymiska ee ka hawlgala dalka ay si buuxda u waafaqsan yihiin Shareecada Islaamka.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey in Hay’adda Caymiska Qaranku ay dhistay Waaxda Maamulka Shareecada iyo U Hoggaansanaanta (Sharia Governance & Compliance Department), taas oo looga gol leeyahay xoojinta kormeerka, hagidda, iyo hubinta waafaqsanaanta Shareecada ee hawlaha caymiska dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha HCQ waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo Hoggaanka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku ammaanay doorkooda joogtada ah ee taageeridda iyo horumarinta nidaamka caymiska Islaamiga ah (Takaful) ee dalka.











