Hargeisa, 30-Nov-2025

Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ,Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda rasmiga ah ee ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku ku daah-furtay Mudnaanaha Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3-aad (MQHQ) 2025–2027.

Guddoomiyaha HCQ, oo ka hadlayay muhiimadda qorshahan, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka lama huraanka ah ee caymisku ku leeyahay gaadhista himilooyinka dhaqaale iyo horumarineed ee dalka, isagoo xusay in caymisku yahay tiir muhiim u ah ilaalinta hantida, xasilinta dhaqaalaha, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Hay’adda Caymiska Qaranku si buuxda u soo dhawaynayso MQHQ 2025–2027, isla markaana ay u aragto mid saldhig u ah isku-duwidda dadaallada hay’adaha dawliga ah iyo daneeyayaasha kale, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku dhisan qorshe cad iyo wada-shaqayn qaran.