Hargeisa -31 -January -2026
Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa kulan muhiim ah la yeelatay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan dhinaca caymiska khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo kor u qaadista adkaysiga bulshooyinka.
Kulanka dhanka Hay’adda Caymiska Qaranka waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee HCQ, Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, waxaana ku wehelinayay:
-
Jawhar Cabdiraxmaan Cabdisalaam – Agaasimaha Waaxda Qorsheynta
-
Axmed Cabdi Kaahin – Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Kobcinta Suuqa Caymiska
-
Cumar Maxamed Ismaaciil – Agaasimaha Waaxda Kor-joogteynta iyo Ilaalinta Anshaxa Suuqa
Dhanka wafdiga WFP, kulanka waxaa hoggaaminaysay Andreia Fausto, Head of Climate Smart Food Systems, waxaana ku weheliyay Idiris Mohamed (Anticipatory Action Lead), Jin Sun Park (Programme Policy Officer), iyo Maria Osman (Programme Policy Officer).
Kulankan ayaa fursad u noqday in la is-waafajiyo mudnaanta istiraatiijiyadeed ee labada hay’adood, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta ku saleysan wada-tashi iyo is-faham. Waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga Hay’adda Caymiska Qaranka iyo WFP, si wadajir ahna looga shaqeeyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee dalka.
Sidoo kale, Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa waddda qorshe dib-u-habeyn iyo casriyeyn ballaadhan, kaas oo lagu xoojinayo waajibaadka sharci ee hay’adda, laguna diyaarinayo khariirad hirgelin oo ku saabsan adeegyada caymiska ee mudnaanta leh. Qorshahan waxa uu ku saleysan yahay:
- Diyaarinta Siyaasadda Caymiska Qaranka
- Dejinta Istiraatiijiyadda muddada dhow ee hay’adda
- Diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha
- Helista khubaro sare
- Tayeynta xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha Hay’adda Caymiska Qaranka.










