Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka oo Ka Qayb Galay Kulan Wada-Tashi Qaran
Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabdirashiid Saleebaan Maxamed, ayaa ka qayb galay kulan wada-tashi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, kaas oo ay isugu yimaadeen hay’adaha dawladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee aan Dawliga Ahayn (NGOs).
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iska-ashiga iyo isku-dubbaridka shaqada hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala dalka. Guddoomiye Ku-Xigeenku waxa uu Wasaaradda Qorsheynta uga mahadceliyay abaabulka kulankan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland ay ka go’an tahay dhismaha suuq caymis oo xasilloon, hufan, isla markaana u hoggaansan shuruucda dalka, kaas oo taageeraya shaqada muhiimka ah ee ay Hay’adaha Caalamiga ah ee aan Dawliga Ahayn ka wadaan Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu caddeeyay in ay lama huraan tahay in dhammaan Hay’adaha aan Dawliga Ahayn ee ka hawlgala Somaliland ay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka iyo shuruucda caymiska ee dalka, si loo xaqiijiyo nidaam shaqo oo waafaqsan sharciga iyo danta guud.
Ugu dambayn, Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa mar kale xaqiijisay diyaar-u-ahaanshaheeda ah in ay si wadajir ah ula shaqayso dhammaan Hay’adaha aan Dawliga Ahayn, si loo sugo jawi shaqo oo hufan, sharciyaysan, isla markaana waara.










