Hargeisa 15-Dec-2025
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Cabisalaan Maxamed Maxamuud, oo uu wehelinayo Agaasimaha Waaxda Diiwaan-galinta, Liisamada & Horumarinta Caymiska Islaamiga, ayaa maanta ka qayb galay kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd diyaarinta Qorshaha Shanta Sano (5-Year Strategic Plan) ee Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka, iyadoo si qoto dheer loogu falanqeeyay jihada istiraatiijiyadeed ee horumarinta gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa madasha ka jeediyay hadal uu ku iftiimiyay muhiimadda caymiska gaadiidka, kaalinta uu ka qaato ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo doorka caymisku ku leeyahay yareynta khataraha iyo hubinta badbaadada hantida iyo adeega dadweynaha.
Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Diiwaan-galinta, Liisamada & Horumarinta Caymiska Islaamiga ayaa kulanka ka soo jeediyay talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo nidaamka caymiska, isla markaana kor loogu qaadayo iskaashiga hay’adaha ku shaqada leh, si loo helo nidaam caymis oo waara oo taageera horumarka dalka.







