Hargeisa -Dec-15-2025

Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa ka qayb galay Bandhigga Carwada Macdanaha Somaliland, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Guddoomiyaha oo ka hadlay madasha Bandhigga ayaa sheegay in dhammaan hawlaha macdanta ee dalka—oo ay ka mid yihiin shidaalka, macdan-qodista (mining), iyo dhammaan noocyada kale ee macdanta—ay lama huraan tahay in la caymiyo. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in caymisku yahay tiir muhiim u ah ilaalinta hantida qaranka, badbaadada shaqaalaha, iyo yareynta khataraha ka iman kara hawlaha macdanta.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu xusay in Hay’adda Caymiska Qaranku diyaarisay xeerar iyo hab-raacyo rasmi ah oo lagu cayminayo dhammaan hawlaha macdanta, kuwaas oo dhawaan si buuxda loo dhaqan-gelin doono. Ujeeddada tallaabadan ayaa ah in la hubiyo in dhammaan shirkadaha ku hawlan shidaalka iyo macdanta ay helaan caymis dhamaystiran oo waafaqsan shuruucda dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka ayaa adkeeyay doorka ay Hay’addu ka qaadanayso xoojinta nidaamka caymiska, si uu u noqdo mid taageera horumarka maalgashiga, isla markaana kaalin muuqata ka qaata koboca dhaqaalaha dalka.