Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda, Mudane Cabdirashiid Saleeban Maxamed, ayaa safar shaqo oo qaatay laba maalmood ku tagay Berbera.
Intii uu safarku socday, masuuliyiintu waxay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda hay’adaha dawliga ah iyo shirkado waaweyn oo ka hawlgala Berbera, kuwaas oo diiradda lagu saaray dardar-gelinta hawlaha Hay’adda Caymiska Qaranka iyo xoojinta wada-shaqaynta.
Waftigu waxay la kulmeen Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera, Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka, iyo madaxda sare ee DP World, iyaga oo ka wada hadlay muhiimadda caymiska hantida, gaadiidka iyo shaqaalaha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Dekedda Berbera oo ah xudunta dhaqaalaha Somaliland.
Dhammaan kulamadaasi waxay kusoo dhammaadeen jawi is-afgarad iyo is-fahan wanaagsan, iyadoo dhinacyadu muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ku aaddan wada-shaqayn dhow oo lagu hormarinayo nidaamka caymiska qaranka.









