Hargeisa 03-feb-2026
Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland ayaa kullan heer sare ah la yeelatay Xafiiska Isku-Duwidda Qaramada Midoobay (UN RCO), kulan kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada caymiska, ilaalinta bulshada, iyo horumarinta adkaysiga dhaqaale ee Somaliland.
Kullanka waxaa ka qayb galay hoggaanka sare ee Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda, Axmed Xirsi Ducaale, oo ay weheliyeen Agaasimaha Guud ee Hay’adda iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha HCQ.
Dhanka Xafiiska Isku-Duwidda Qaramada Midoobay (UN RCO), kulanka waxaa hoggaaminayay Tedla Damte, Madaxa Xafiiska UN RCO, iyada oo ay weheliyeen khubaro ku takhasusay arrimaha ilaalinta bulshada iyo Madaxa Xafiiska Isku-xidhka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Intii uu kullanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen dib-u-habaynta suuqa caymiska Somaliland, fursadaha iskaashi ee caymiska bulshada, ilaalinta maaliyadeed, iyo doorka caymisku ku leeyahay maaraynta khataraha guud. Sidoo kale, waxa si gaar ah loo xoojiyay kaalinta muhiimka ah ee caymisku ka qaato isku-duubnida bulshada, adkaysiga dhaqaalaha, iyo gaadhista horumar waara.
Ugu dambayn, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn joogto ah oo u dhexeysa Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo horumariyo nidaam caymis oo hufan, loo wada dhan yahay, isla markaana si wax ku ool ah uga jawaaba baahiyaha bulshada Somaliland.












