Hargeisa 05- Feb-2026
Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland ayaa kulan istiraatiiji ah la yeelatay Alhuda CIBE, kulan kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo horumarinta nidaamka caymiska qaranka.
Kulankan waxaa hoggaaminayay Axmed Xirsi Ducaale, Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland, waxaana wehelinayay Abdisalan Mohamed Mohamoud, Agaasimaha Guud ee Hay’adda, iyo qaar ka mid ah Agaasime-Waaxeedyada Hay’adda Caymiska Qaranka.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta dhismaha hay’adda, horumarinta nidaamyada maamul iyo maaliyadeed, kobcinta awoodda farsamo ee shaqaalaha, iyo horumarinta adeegyo caymis oo la jaanqaadaya baahiyaha iyo duruufaha suuqa caymiska Somaliland.
Sidoo kale, labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo ku salaysan iskaashi, is-dhaafsi khibradeed iyo aqoon wadaag, si loo horumariyo nidaamka caymiska qaranka loona xaqiijiyo in bulshada loo helo adeegyo caymis oo tayo leh, hufan, isla markaana waxtar u leh horumarka guud ee dalka.










